Waa maxay depression ama qulub?

Depression ama qulub waa mid kamida xanuunada maskaxda ee ku dhaca dadka kaasi oo wata dareemo cakirnaan iyo niyad jab ku suntan.

CAAFIMAADKA MASKAXDA

Khalid Ibrahim

2/6/20242 min read

Depression ama qulub waa mid kamida xanuunada maskaxda ee ku dhaca dadka kaasi oo wata dareemo cakirnaan iyo niyad jab ku suntan. Qulubku waa dhex quusidda mowjado mugdi, cidlo iyo caloolyow ah. Waa xanuun iyo marxalad uu qofka ku luminayo xasiloonida iyo qanacsanaanta, waxaa ayna qofka ku keentaa in uu ka weecdo nololmaalmeedkiisa kana dhexbaxo bulshada isaga oo weheshanaya kalinimada iyo quusta.

Qulubka waxaa inta badan dhibanayaal u ah dhalinyarada da'aadoodu ay u dhaxayso 14 - 24 kuwaasi oo ku jira marxaladda qaangaarka. Isbadaladda jireed ee ku dhaacaya barbaartaasi ayaana loo aaneeya u nuglaanshiyaha qulubka.

Qulubku waxaa uu leeyahay marxalado kala sareeya, waana xanuun siguud qofkasta ku dhici kara. Ma badna halistiisa caafimaad kol hadii uu qofka garanayo hababka loola tacaalo. Celcelis waxaa uu xanuunkani qofka haynkaraa muddo laba toddobaad ah ama ka yar, waana xanuun soo noqnoqn kara maadaama uu yahay mid ka dhasha culaysyada nololeed iyo deegaanka, ama habdhaqanka iyo jawiga ku hareeraysan qofka.

Qulubku waxaa uu ka dhashaa culaysyo dhaqaale, mid qoys iyo daruufo kale oo qofka soo foodsaara; Sida Waxbarashada oo ku adkaata, ka walwalka shaqo la'aanta, xariirada qoyska oo xumaada, iyo hubanti la'aanta mustqablka. Soomaalidu waa u sii nugushahay xanuunka qulubka maadaama ay ku hareeraysanyihiin duruufaha ugu adag ee nolosha, sida faqriga, colaadaha, iyo jahliga. Xogaruurin lagu sameeye heerka Qulubka Soomaalida dalka ku sugan ayaa sheegaysa in sadaxdii qofba uu qofi qabo qulub.

Astaamaha lagu karto qulubka

  • Caajis fara badan, diiqad joogta ah iyo xiisihii oo kaa luma.

  • Daal, hurdo la'aan iyo culays maskaxeed oo ku fuula

  • In aad ka dhexbaxdo bulshada iyo saaxiibada

  • Dareemidda rajo la'aan iyo kalinimo

  • In aad wayso kalsoonida iyo firfircoonida aad haysatay

  • In ay kugu adkaato go'aan qaadashada iyo howl maalmeed

  • In aad dareento cabsi iyo caloolyow fara badan

  • Quus iyo isnicid.

Calaamadahani iyo qaar kale ba waxaa ay udub dhig u yihiin xanuunka Qulubka kaasi oo ah mid uu qofkasta haleeli laro, si dhibyarna lagaga bogan karo. Asalka xanuunkan wax yaabaha keeno waa waa xaaladaha adag ee uu qofka la kulmaayo, sida shaqada, waxbarashada iyo qoyska. Haddaba la tacaal oo ahmiyadda 1aad sii caafimaadqabka maskaxdaada. Lawadaag xaaladahaaga saaxiibada kuugu dhow iyo qoyska. A xariir xaruumaha ka shaqeeya caafimaadqabka maskaxda sida Barbaar youth wellness, si aad u heso daaweyn iyo talooyin caafimaad.