hel qiimadhimis %40 ah maanta.

Dhalanteedka Dhamaystirnaanta - Perfectionism

Dhalanteedka dhamaystiranaanta dad badan ayaa dhibane u ah, waxaa ay ka hortaagan tahay in ay howlo iyo mashaariic muhiim u ah ay bilaabaan ama dhamaystiraan.

CAAFIMAADKA MASKAXDASELF-IMPROVEMENT

4/21/20254 min read

Dhalanteedka dhamaystirnaanta ama Perfectionism
Dhalanteedka dhamaystirnaanta ama Perfectionism

Dhalanteedka Dhamaystirnaanta waa xaalad uu qofka wax dhamaystiran maahee wax qabyo ah ama kala dhiman uunan ku qancayn.

Dhalanteedka Dhamaystirnaanta waa isku dayida gaaritaanka dhamaystirnaan sarreysa, taasna cid aan ilahay ahayn uma sugnaan. Waa sifo uu qofku jeclaanayo howl kastaa uu qabanayo inuu sida ugu wacan u qabto haddi aysan usuurtagalinna uu faraha ka qaadayo gabi ahaan howsha.

Dhalanteedkaan dhamaystirnaanta waxa ay leedahay sadax caqabad

1. Waxaa ay qofka ka horistaagtaa in uu howl qabto ama bilaawo

2. Waxa ay qofka u diido In uu howl dhmaystiro oo uu soo gudbiyo waqti munaasab ah.

3. Iyo sidaas oo kale waxa ay qofka ka horistaagtaa in uu qanacsanaan ku dareemo howsha uu qabtay.


Haddii aan sii sharaxo caqabadahaan ay leedahay Dhalanteedka dhamaystirnaanta.

Marka hore waxa ay qofka ka horistaagtaa in uu howl qabto ama talaab u qaado dhankeeda. Marwaliba uu qofka ku fikiro in la joogo waqtiga uu howsha qaban lahaa, waxaa soo foodsaara caqabado tiro beel ah oo tusaaya in aan iminka suurtagal ahayn in howsha bilaawo.

Waxa uu qofka cudurdaar ka dhigtaa in uusan haysan agabkii, aqoontii iyo taageeradii ay u baahneyd in howsha la qabto. Waxaa uu ku jiraa dhalanteed dhamaytirnaan aan la gaari karin ah. Waxa uu sugaa maalin ay munaasab ku tahay in la bilaawa qabashada howsha muhiimka ah ee hortaala.

Waxa uu doonayaa in waxwaliba ay u haggaagaan ama ay u dhamaystiran yihiin ka hor inta uusan bilaawin howhsha. Qof sidaan ah adigu ma aragtay weli mise adigaa ba leh caadadaan. Kolley waa xaalad ay dad badan la dhiban yihin.

Haddii uu howsha bilaawo qofka dhalanteedka dhamaystiranka ku jira, kadib maxaa dhacaa?

Marka uu hosha bilaawo kadib qofka xaaladda dhalanteedka ah ku jira, waxaa uu galaa marxalad kale oo ka dhigta qof aan howsha si na ba ugu qancin.

Tusaale, haddii uu doonayo in uu waqti kooban ku qoro buug ama casharo laga sugayo, waxa uu inta badan waqti ku luminayaa diyaarinta xogta casharka, isagga oo aaminsan in aan xogtu ku filnayn ama ahayn mid aad u dhamaystiran.

Bal kawaran qof doonaya in uu wax u qabto sida ugu wanaagsan ee ugu sarreysa, sarreyntaasi oo aan la gaari karin. Kawaran haddii uu qofka ku dareemayo walwal iyo qancsanaan la'aan howl waliba uu qabtay, xittaa haddii ay tahay mid ay dadku aad ula dhacsan yihiin.

Dabcan qofkaasi oo kale, waa ku daalaa oo naftiisuu ku dhibaa howsha uu qabanayo, kumana qanco oo canaan iyo qomamamuu ka dhaxla Markuu shaqada soo dhameeyo.

Dhalanteedka dhamaystiranaanta dad badan ayaa dhibane u ah, waxaa ay ka hortaagan tahay in ay howlo iyo mashaariic muhiim u ah ay bilaabaan ama dhamaystiraan. Filashadooda ayaa aad u saareysa. Waxa ay ka sarreysaa inta ay dadka kale ka filayaan.

Dadkani ma aqbali karaan qalad yar oo ka dhaca inta ay shaqada ku guda jiraan. Kaliya ma'aha in ay naftooda ku qancinayaan ee sidoo kale waxa ay ku doonayaan in ay dadka kale kaga helaan amaan iyo bogaadin.

Midkale na waa ay jirtaa, oo waxa ay ka baqayaan cannaan ama in shaqadooda la dhaleeceeyo oo wax laga sheego.

Waxaa laga yaabaa inaad iswaydiiso, ma waxaad leedahay yaanan shaqada si fiican loo qaban.?

Hagaag, waxaa jira qof shaqadiisa si fiican u qabta oo aan qalad ka dhacay isku canaanan, hasayeeshee shaqada inta uu ka kari kara ka qabta, noloshiisa kalena waqti siiya. Laakiin qofka aan maanta ka hadlayno ee la dhiban xaaladan dhamaystirnaanta dhalanteedka ah waa qof noloshiisa aan waqti siin, farxadna ku dareemin natiijada waxa uu qabanayo. Waa qof u dhexeeya daal shaqada kasoo raaca iyo canaan uu gudaha ka dareemo. waxaa uu isku canaantaa maxaad howsha si intaa ka fiican ugu qaban wayday?

Maxaa sababa dhalanteedka Dhamaystirnaanta?

Waxaa sababa oo kaalin weyn ku leh xaaladdaan, hab barbaarinta qofka. Markii uu yaraa, haddii Ilamaha lagu qeeli jiray ama lagu cannanan jiray qaladka yar uu sameeyo, waxa ay ka dhigtaa qof qawaaf ka qaba in uu wax yar oo qalad ah galo, waana sababta uu tamarta badan isugu geynayo si uu u hubiyo in uu gaaray dhamaystirnaan sarreysa, ama natiijo 100% ah.

Ilmaha marka ay yaryihiin haddii aanan lagu dhihin hadalo dhiirigalinaya sida " Si fiican baad u qabatay howsha. Iminka waa dhagdhag, mahadsanid" waxa uu dareemayaa in ay wax ka kala dhiman yihiin oo aan howshiisa lagu qancin, si uu u helo dareenka iyo raaligalinta dadkana waxa uu u cadaabayaa naftiisa oo waxa uu isku dayayaa in uu gaaro dhamaystiranaan dhdhalanteed ah.

Sidoo kale waxaa sababa xaaladan dhamaystiranka ah , inuu qofku goobta shaqada uu tartan kula jiro cid kale, isla markaasna uu naftiisa cadaadiyo kuna dhibo shaqada, aadna isaga ilaaliyo in uu qalad yar ka dhoco taasi oo aan naftiisu u saamaxayn.

Maamulka shaqada ayaa mararka qaar qeyb ka qaata xaaladani nafsiga ah, kadib marka ay shaqaalahooda kula xisaabtamaan shaqada si aan caadi ahayn, iyaga oo u fiirfiirsada tafaashiisha hoose shaqada misna haddii ay qalad yar ay arkaan dib ugu celiya howsha ama ku canaanta.

Tani waxa ay hoos u dhigtaa waxsoosaarka iyo kalsoonida shaqaalaha. Waayoo waxay qofka ku sababaysaa inuu raadiyo dhamaystirnaan ka badbadis ah iyo raali ahaanshiyo aan la gaari karin. Waxa ay aakhir ku keentaa qofka tartanka iyo shaqadan uu ku dhibtoonayo aawadeed, wax loo yaqaan burned out ama gubasho nafeed, waa xaalad uu qofku shaqada nacayo, dhiirigalin la'aana uu dareemayo.

Hadaba maxaa xal u ah xaaladdan Dhalanteedka ah. ?


Xalku waxa weeye inuu qofku ku baraarugo arintaan oo uu ogaado inay caqabad ku tahay wax qabadkiisa. Xalku waxa weeye inuu qofku hab fikirkiisa badalo halkii uu qaladka iyo nuqsaanta diidi jiray uu markani yeelo oo uu ogaado inay tahay sifo ka mid ah sifooyinka aadamaha .

Waxaa jiray xadiis nabiga laga wariyey NNK .

Oo ahaa " كل ابن آدم خطاء، وخير الخطائين التوابون "

Macnaha xadiisaku waxa weeye


"Aadamahoo dhami way qaldamaan ku qaldamana ina soo laabataa u wanaagsan."

Waxaa la rabaa in uu qofku ogaado in shaaqada markuu qabanayo uu masuul kayahay isku dayga iyo dadaalka, lakiin uunu ka walwalin natiijada shaqada. Shaqa kastoo qofku qabanayana waxaa haboon inuusan sugin waqti ku haboon oo uu bilaabo wuxuu rabo inuu qabto isla waqtigaa la joogo, waayoo majiro waqti ay waxwaliba hagaagayaan ilaa ay maalin ba maalin kale ee kuu sii dhiibto, taasna dib u dhac baahsan ayay kugu keenaysaa.

Hadaba si aad howlo badan u qabato adigoon dhibin naftaada, waqti badana ku lumin shaqada, adigoo qiraya in aad bini aadam qaldami kara tahay oo kaliya adiga isku day iyo dayaad lagaarabo shaqada qabo oo bilow, misna dhameey oo haddame u riyaaq natiijada.

Dhammmaad.

Barbaar Podcast

Dhalanteedka Dhamaystirnaanta (Perfectionism) | Episode 5 | Barbaar Podcast