hel qiimadhimis %40 ah maanta.
Shuruudaha Isticmaalka ee Barbaar Wellness
1. Hordhac
Ku soo dhawoow Barbaar Wellness! Marka aad booqanayso website-keena (https://barbaar.org), ka qayb qaadanayso barnaamijyadayna ama ballansanayso la-talin, waxaad aqbashay shuruudahan.
Barbaar Wellness waxa ay u heellan tahay taageerida caafimaadka maskaxda, kobcinta nafta, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
2. Adeegyada Aan Bixino
La-talin caafimaad maskaxeed (oo ay ku jiraan CBT iyo fadhiyo gaar ah)
Tababaro kor u qaada xirfadaha nolosha iyo shaqada
Koorsooyin iyo workshops online ah oo la xiriira caafimaadka maskaxda, habdhaqanka dadka, iyo horumarinta nafta
3. Shuruudaha Ka Qaybgalka
Adeegyadeenu waxay u furan yihiin qof kasta oo 15 sano jira ama ka weyn
Haddii aad ka yar tahay 15, waxaa loo baahan yahay ogolaanshiyaha waalid ama mas’uul kale.
4. Sida Loo qabsado Ballanta
Ballanta dhakhtarka waxaa laga qabsadaa Website-ka, WhatsApp-ka, ama emaylka Barbaar
Waxaad heli doontaa ogeysiis xaqiijin ah oo faahfaahinaya taariikhda, saacadda, iyo habka Ballanta
5. Lacag-bixinta & Celinta
Qiimayaasha fadhiyada iyo koorsooyinka waxaa la shaaciyay ka hor inta aadan qabsan ballanta
Haddii aad rabto inaad ballanta joojiso ama dib u dhigto, fadlan nala soo socodsii ugu yaraan 24 saacadood ka hor
Ballanta la baajiyo iyadoo ogeysiis la’aan ah ama ka yar 24 saacadood, lacag celin malaha
6. Xuquuqda Mawduuca
Dhammaan qoraallada, sawirrada, muuqaalada, iyo agabka kale ee Barbaar Wellness waa lahaanshiyaheena
Xuquuqdayna waa dhowrsan tahay lamana isticmaali karo fasax la’aan
7. Xeerarka Bulshada
Waxaan dhiirrigelinaynaa ixtiraamka iyo wada-hadalka furan
Wax kasta oo aflagaado, nacayb, ama xadgudub ah waa la mamnuucay
Xubin kasta oo shuruucda ku xad-gudubta waxa laga saari karaa barnaamijyada iyo kooxaha Barbaar
8. Isbeddelka Shuruudaha
Barbaar Wellness waxay xaq u leedahay inay shuruudahan dib u eegto ama wax ka beddesho wakhti kasta
Isbeddellada cusub waxay dhaqan galayaan marka la daabaco, waxaana ku wargelin doonnaa website-ka.
Barbaar Wellness
Xaruun ka shaqaysa Caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada Soomaaliyeeed.
Connect
Barbaar
Barbaaryp@gmail.com
+252 905 893 406
© 2025. All rights reserved.