hel qiimadhimis %40 ah maanta.

Qaanuunka Asturnaanta (Privacy Policy)

1. Xogta Aan Uruurino

Markaad isdiiwaangeliso, ballan sameysato, ama ka qaybqaadato barnaamijyadayna, waxaan uruurinnaa xogaha soo socda:

  • Magacaaga, taariikhda dhalashada, iyo cinwaanka email-ka

  • Lambarka taleefanka iyo macluumaad kale oo xiriir ah

  • Taariikhaha iyo nuxurka fadhiyada la-tashiga

  • Jawaabaha su’aalaha la xiriira caafimaadkaaga maskaxda (haddii aad buuxiso sahan)

2. Ujeedada Isticmaalka Xogta

Xogtaada waxaan u adeegsaneynaa:

  • Inaan ballanta dhakhtarka kuu qabano oo aan ku diiwaangalino

  • Inaan kuu diyaarino la-talin iyo talooyin ku habboon baahidaada

  • Inaan kuu soo dirno ogeysiisyo, cusbooneysiin, iyo adeegyo kale oo aad dooratay.

3. Sirta iyo Ammaanka Xogta

  • Xogtaada waa qarsoodi, waxaana si ammaan leh loogu kaydiyaa server-adeena.

  • Lalama wadaagi doono cid saddexaad la’aanta ogolaanshahaaga, marka laga reebo haddii ay waajib sharci tahay.

4. Cookies & Tiknoolajiyada La Socodka

  • Waxaan isticmaalnaa cookies si aan u xusuusano doorbidkaaga bogga, una wanaajino waayo-aragnimadaada.

  • Waxaad cookies-ka ka saari kartaa boggaaga browser-ka, hase yeeshee tani waxay saameyn kartaa qaarkamid boggeena adeegyada.

5. Shirkad Saddexaad

  • Si aan u maareyno ballamaha iyo lacag-bixinta, waxa aan adeegsan karnaa WhatsApp, Calendly, Forms, Stripe ama Waafi.

  • Xogtaada ma siin doono qayb saddexaad oo aan ahayn barnaamijyadaas ammaaniga ah.

6. Xuquuqahaaga

  • Waxaad xaq u leedahay inaad:

    • Codsato nuqul xogtaada ah

    • Saxdo xog khaldan

    • Codsato tirtirka xogtaada

  • Wixii codsi arrintan la xiriira, fadlan nagala soo xiriir Barbaaryp@gmail.com

7. Isbeddelada Xeerkan

  • Qaanuunka asturnaanta waxaa lagu samayn karaa isbadal iyo cusbooneysiin waqti kasta.

  • Haddii isbeddel weyn la sameeyo, waxa aan ku wargelin doonaa email ahaan iyo website-ka.

Barbaar Wellness – Caafimaadka maskaxda, horumarka nafta & xirfadaha nolosha, dhammaan hal meel.