Sidee loo dhisaa kalsoonida nafta?

Warbixintaan waxa aan kaga hadli doonnaa kor u qaadidda kalsoonida nafta oo markaan kulansanaysa Naf qadarinta iyo qiimo siinta. (Self-esteem and self-confidence)

SELF-IMPROVEMENTCAAFIMAADKA MASKAXDA

2/10/20252 min read

Sidee loo dhisaa Kalsoonida Nafta?
Sidee loo dhisaa Kalsoonida Nafta?

Dhisidda Kalsoonida nafta waa hayaan uu qofka kor ugu qaadayo qiimaha iyo qadarinta uu u haayo naftiisa, isaga oo ku kalsoonaanaya hab fikirkiisa, muuqiisa iyo guud ahaan kartidiisa wax qabad.

Qofka leh kalsooni nafeed iyo mid qadarineed oo sarreeysa waxaa uu ku noolaadaa xasilooni, qanacsanaan iyo reereyn ka dhalata qadarinta iyo qiimaha uu siiye naftiisa.

Kolka uu qofka aqbalo ciladihiisa ama meelaha uu u arko in uu ku liito, sida muuqiisa, ama noloshiisa gaarka ah, waxaa u fududaata in uu ku raaxaysto
nimcooyinka kale ee uu haysto.

Marka ay sarreyso kalsoonida aad ku qabto naftaada, waxaa awood balaaran u yeelanaysaa in aad qaadato go'aano dhiiran, in aad xariir la samayso dadka kuwooda ugu mudan, in aad soo bandhigto afkaarahaaga gaarka ah adiga oo aanan baqdin iyo hooseyn midna dareemayn

"Naftaada waxaa ay u qalantaa in ay hesho waxa ugu fiican ee la heli karo" — Self esteem

kor u qaad Kalsoonida nafta


Haddaba si aad kor ugu qaado kalsoonida nafta waxa aad u baahan tahay in aad aaminaad iyo kalasooni buuxda ku qabto naftaada iyo waxa ay karto. Bini-aadan ku waa noole awood aad u sarreeysa leh, balse awoodahaasi ma'aha kuwa aan isticmaalno inta badan. Waxaa jira waxyaabo kor u qaada kalsoonida nafta, waxaana kamida:

1. Naftaada Saamax


Waxa aad aqbashaa qaladaadka iyo ceebaha ka dhaca naftaada, waxa aadna ku qanacdaa dhamaan waxa ay haysato iyo sida ay tahay maanta. Marna kalsoonida naftaada ma dhismayso haddii aad ceeb u aragto midabkaaga, muuqaaga, socodkaaga ama gaariga iyo guriga aad ku nooshahay.

Qaladaadka kaa dhaca ha'isku canaanan in badan oo fahan in aad tahay Bini-aadan qaldami kara una diyaarsan in uu qaladkaasi wax ka barto.

2. Fikradaha Taban

Naftaada ayaa mararka qaar kugu furaysa fikrado taban oo niyad jab ah. Waxa ay kuu sheegaysaa in aad nasiib xun tahay. In aadan guulaysan doonin ama in lagu neceb yahay. Haddaba si aad uga guulaysato caqabadahaan, waa in aad naftaada ku xujaysaa aaminaadda fikrado wanaagsan.

3. Aqoonta iyo Xirfadaha

Markasta oo aad wax cusub barato waxaa bata kalsoonida iyo qiimaha ay helayso naftaada. Aqoontu waa furaha waxwaliba. Waa furaha waxqabadka. Bal suurayso marka aad aqoon u leedahay howsha aad qabanayso.. Maxay kalsooni badani ku dul huwanaysaa!

Baro xirfadaha muhiimka u ah noloshaada oo ay ugu horreeyaan dad lamacaamilka iyo wax isbaridda. Waxaa ay kuwani kaa dhigayaa qof u diyaarsan dhaxgalka dadka iyo caqabadaha. Aqoontu waxa ay kuu sahlaysaa in aad barato hab fikirka dadka, hab soo gudbinta iyo Habab kasta oo aad ugu baahan tahay nolosha.

4. Saaxiibada iyo Xigaalka

Waxaa wanaagsan in aad saaxiibo ka dhigato dad garanaya qiimaha naftaada, ku taageeraya oo garabkaaga ah xilliyada aad u baahan tahay. Waxaa jira saaxiibada qaar oo kuu horseedaya niyadjab iyo kalsooni darro. Waxaa ay kuu sheegayaan in aad tahay qof dabaal ah, qof waalan, qof aanan karti lahayn. Waxaa ay ku leeyihiin " war waxani ma qaban kartid ee waqtiga ha iska lumin"

Haddaba ka fogoow saaxibbada ay sida weyn u shaqeeyso qeybta Taban ee maskxdooda (Negativity) hana qaadan fikradahooda loo ekaysiiye talooyinka ee kugu boorinaya in aad is dhiibto adiga oo faraxsan.

Waxaa intani dheer, si aad kalsoonida naftaada kor ugu qaado waa in aad ogaataa waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay iyo hibooyinka garka ah ee aad leedahay, iyagaas horumari oo bannaanka keen. Naftaada daryeel oo ahmiyad sii caafimaadkaaga maskaxda iyo kan jirka. Hab nololeedkaaga hagaaji oo isku dheelitir cuntadaada, hurdadaada iyo nasashadaada ba.

Ka fogow saamaynta xun ee baraha bulshada taasi oo ka qeybqaadanaysa burburka kalsoonida. Ha'is barbardhigin dadka caanka ah iyo kuwa aad ka aragto baraha bulshada ee soo bandhiga nolosha qiyaaliga ah ee u muuqanaysa in ay haystaan quruxda, hantida iyo faraxdda. Kalsoonida naftaada oo aad kor u qaado waxaa ay ka qeybqaadanaysaa
caafimaadka maskaxdaaada.