hel qiimadhimis %40 ah maanta.
Sidee loo joojiyaa Naf-dhaleecaynta?
Naf-dhaleecaynta ama self criticism waa habdhaqan xun oo uu qofka ku dhaliilo naftiisa, ku baarbaaro ceebaha iyo qaladaadka ka dhaca taasi oo marka dambe saamayn xun ku yeelata.
CAAFIMAADKA MASKAXDASELF-IMPROVEMENT
10/22/20255 min read


Maanta waxa aanu ka hadli doonnaa waxa loo yaqaan Naf dhaleecaynta a ama self criticism oo ah habdhaqan xun oo uu qofka ku dhaliilo naftiisa, ku baarbaaro ceebaha iyo qaladaadka ka dhaca taasi oo marka dambe saamayn xun ku yeel
Ma xasuusataa waqtiyadii kuugu dambeeye ee macalinkaaga dugsiga ama school kugu lahaa " Waxaa tahay qof edabdarran, waxba ma fahantid. Waxaa kaa wanaagsan ardayda kale, adiga meeshaan waa lagugu soo qalday iyo hadalo u dhigma sidaasi oo dhaleeceen iyo bahdil ah.
Dib ugu laabo xaafadda, miyay jireen canaan kulul oo aad kala kulmi jirtay waalidka sida in lagu yiraahdo "Waxaa tahay suufi aan wax fahmayn. Waxaa tahay doqon. Bax dhaadhaanyahow meel naga fariiso."
Marka aad qaladdaad yar samayso sida marka aad soo kala ilowdo alaabta bannaanka lagaaga diro, ma la kulmi jirtay hadalo dhaleeceen ah oo aad u dhibsan jirtay sida " War cunnugaan maxaa ka si ah, caqli bartii malaha. Adiga qofkii wax kuu dirsaday ayaa kaa xun"
Hadaladda nuucaas oo kale waxaa la yiraahda naf dhaleeceen, waa mid kamida waxyaabaha aadka u xun ee saameeyaa caafimaadka maskaxda, kalsoonida nafta iyo horumarka qofka.
Hadalku uma fududda sida dadka qaar ay umalaynayaan. Waxa uu waxyeelo xun ku yeeshaa dareenada qofka. Ilmaha Barbaarka ah ee lagu yiraahdo waxaa tahay qof xun; ayaa waxaa ay oraahdani ka dhigi kartaa mid xumaysa noloshiisa gabi ahaan ba.
Marka uu ilmuhu weynaado, waxa uu aaminayaa in uu yahay qofkii xumaa ee aanu waxba ugu toorneen bulshada. Waxa uu bilaabayaa in uu ka dhaxbaxo ama ka fogaado meelaha ay dadku isuguyimaadaan, isaga oo ka cabsanaya in la aqoonsado xumaantiisa, karti yaridiisa ama dhaadhaanimadii lagu sheegi jiray, sidaas awgeydna uu la kulmo hadalo kale oo bahdil ah ama in lagu qoslo.
Naf dhaleeceentu waxa ay ku timaadaa habab kala duwan.
1: Naf canaanasho darran
Marka uu qofka qalad yar sameeyo, waxaa durba guduhiisa ka soo maaxda dareeno taban oo iscanaanasho ah. Waxa uu qofka gacantiisa ku garaaca madaxiisa ama waxa uu qaniinaa farta isagga oo ku qaylinaya " Maxaa iga qaldan horta. Alla doqonsaniyaa? Maxaan sidaan u sameeya ama maxaan sidaas u samayn waaye."\
Marna qofka ku fikir maayo in uu yiraahdo " Waxaan waa qalad iga dhacay, dhibaato malaha dib baa laga saxayaa ama casharo ayaan ka baranayaa" ee waxa ay isweydiintiisu ku noqonaysaa "Maxaan qaladka u sameeye"
2: Dhamaystirnaandoonaan
Waxa uu qofka rabaa in ay waxwaliba u hagaagaan, weliba si 100% ah. Hadii uu natiijada imtixaanka keenu 95% waxa uu isku canaantaa sababta uu 5% u dhumiye. Maskaxdiisu ma aragto guushe wayn ee waxa ay ku mashquulsan tahay dhinnaanta iyo waxa ka maqan. Haddii lagu yiraahdo 90% waxa aa tahay qof qurux badan ama wanaagsan, waxa uu ku mashquulaa sababta aana 100% u noqon.\
3: Isbarbardhig aan caddaalad ku dhisnayn
Waxaa baraha bulshada ku jira dad soo bandhiga shaqadooda, farxaddooda sawiradooda iyo guulahooda. Marka uu qofka ku jiro xaaladda nafsiga ah ee isdhaleeceenta, kolka uu arko sawirada iyo quruxda ay soo bandhigayaan dadka kale, waxaa durba ku dhasha dareeno taban oo naftiisa barbardhigaya kuwa dadka kale. Sida "Fiiri asaagaa, waxaa loo dhigayaa xaflado waaweyn, waxaa ay u dalxiisayaan dibadaha, adigana meeshaan baad soo taagan tahay."
"Ma haysatid lacagta ay heystaan oo kale. Ma haystid farxadda ay haystaan oo kale. Waaxaa tahay qof dambeeya oo nolosha ku fashilmay"
Run ahaantii waxaa ay naftooda si aan caddaalad ahayn u barbardhigaan dadkale oo ay Interneetka kaliya ka arkeen. Ma garanayaan juhdigii ka dambeeye guusha, ama in noloshaan quruxda badan ee dadku soo bandhigayaan ay tahay mid xaqiiq ah mise mid gacan ku samays ah.
Naf dhaleecayntu waxaa ay saamayn xun ku yeelataa caafimaadka maskaxda, waxa ayna qofka galisaa xaalado murugo, cabsi iyo niyadjab leh. Waxa uu qofka ka walwalaa in uu qaladdaad sameeyo, in uu dadka hortooda ku cayboobo ama in uu noqon waayo qof caqli badan oo isku filan. Waxa uu ka baqaa hadalada dadka kale iyo waxa ay ka sheegayaan.
Waxaa hoos u dhaca kalsoonida uu naftiisa ku qabo isagga oo isku arka qof aanan u qalmin in hadalkiisa la dhagaysto ama howl lagu aamino. Waxaa ka dhaxguuxaya canaantii, hadaladdii adkaa iyo bahdilkii yaraantiisa lagu oran jiray. Waxa uu ku mashquulaa ciladihiisa iyo meelaha uu ku liito. Ma sameeyo xiriiro fiican, waayoo waxa uu naftiisa ka haystaa sawiro xun sida in u yahay qof aanan karti lahayn waxbana ku wanaagsanayn. Tani waxa ay keentaa in uu ka baqo in uu dadka kale u u dhawaado isaga o ka cabsanaya in la ogaado kartixumida uu naftiisa ka aaminsan yahay.
Qofna lama wadaago dhibaatooyinkiisa ama ma weydiisto caawinaad, isaga oo ka cabsanaya in la xukumo ama dheleeceen cusub dusha loo saaro sida in lagu yiraahdo "War fulay baa tahay ee naga hordhaqaaq waxba ku ma haystaane"
Qofka dhalinyarada ah ee raba in uu horumar sameeyo, nolosha wax macno leh ka qabsado, waxaa ay naf dhaleecayntu u saameeysaa siyaabo kala duwan oo ay kamid tahay:
In uu qofka dib u dhigasho badan sameeyo
Waxa uu ka baqayaa in aanu u dhamaytirneen qalabkii iyo kartidii uu howsha ku bilaabi lahaa, isaga oo la suga waqti munaasab ku ah bilowidda howsha, balse nasiib xumo, majiiro waqti munaasab ah oo imaanaya. Waqti waliba waxaa uu wataa duruufihiisa.
Waxaa uu ka baqaa in uu howsha ku fashilmo, kadibna ay sidaas ku soo baxo sawirka dhabta ah ee uu naftiisa ka haysto. Si ay taasi u dhicin, dadaal iyo tamar badan ayuu galiyaa qabashada howsha, waxa ayna ku keentaa culays nafsi ah iyo niyadjab.
Nafdhaleecayntu waxaa ay keentaa qoomamo ama ka shalayn. Sida in uu qofka tiigsado wax horey u dhacay kadibna yiraahdo "Alla maxaan sidaas u sameeye. Waxa ay ahayd in aan sidaas sameeyo." Xitaa waxyaabo yaryar sida hadal uu qof ku yiri buu naftiisa ku cannaantaa isaga oo dhahaya "Maxaa sidaas u tiri, waxa ay aheyd in aad sidaas u jawaabto...."
Tani waxaa ay keentaa iskubuuq, kalsooni yari iyo culaysyo kale oo nafsi.
Naf dhaleecayntu waa xanuun nafsi ah, balse arrinka wanaagsan ayaa ah, xanuunada nafsiga waa wax la'iska daweyn karo oo laga kaban karro.
Islaamku waxaa uu qabaa in qofka biniaadamka uu qaldami karo, balse ay tahay in uu qaladkiisa garto, wax ka barto, dambi dhaafna uu la yimaado.
Ma'aha qaladdaadku kuwa aanu ilaahey ka galno oo qura, ee sidaasi oo kale waxa ay noqon karaan kuwa aan nafaheenu ka galno ama dadka kale.
Dhamaantood waa in aanu aqbalnaa, u aragnaa wax caadi ah oo bini aadamka oo idil ka dhici kara, kadibna aanu dambi dhaaf ama sixid la imaanaa.
Marwaliba oo aad aragto in aad is canaananayso, garro oo xasuuso in qaladdaadku wax dhici kara ay yihiin, adigana aad casharo ka baranayso dibna ka saxayso.
Ha u ogolaan naftaada in ay is canaanato, sidaasi oo kale dadka kale haka ogolaan dhaleecaynta shaqsiga ah.
Naftaada saamax, cafi oo u naxariiso, ula dhaqan sida u wanaagsan ee aad ula dhaqmi lahayd qof saaxiibkaa ah oo qalad sameeye.
Sii fahan iyo ixtirmaan qoto dheer. Garro duruufaha ku hareeraysan ee keeni kara in uu qofka qalad sameeyo, kadibna ku boori in weli ay fursado badan jiraan oo wax lagu sixi karo. Haddii aanu bini aadamka helin garabistaag iyo dhiirigalin marwaliba oo uu qalad ka dhaco, waxaa lagu sugnaan lahaa burbur fara badan.
Waxaa jira waxyaabo badan oo aad sameyse, xasuuso oo qor maalin kasta ugu yaraan 3 wax oo wanaag ah oo aad naftaada u samayse. Marwaliba oo aad xasuusato guulaha iyo nimcada aad haysto, waxaa ay ku siinaysaa dhiirrigalin iyo qanacsanaan hor leh.
Ogoow Naf dhaleecayntu waa caado lamida caadooyinka kale ee qofku yeesho. Sidaasi awgeyd, waa labadali karaa caadooyinka xun iyada oo la isticmaalayo farsamooyin, lana samaynayo dadaal iyo joogtayn.
Waxa aa tahay bini-aadan karaamaysan oo awood u leh in uu wax cusub barto, wax fiican qabto, horumarna sameeyo. Aqoonta iyo Kartidda waa wax kordha oo la barto. Ma'aha wax meel ku xiran ama u dhalasho ah. Adiga uun marwaliba naftaada jeclow, ku kalsoonow oo si joogto ah u horumari. La imaaw dulqaad iyo dadaal oo kaliya.
Ugu dambeyn, waxa aan jeclaan lahaa in aan ogaado sida aad ula tacaalayso xaaladda aan ka soo sheekayne ee naf dhaleeceenta. Fadlan nala wadaag siyaabaha ay naf dhaleecayntu kuu saamayse iyo wixii ay kaa hor istaagtay. Maxaa ay hayeen waxa ugu badan ee aad naftaada ku oran jirtay taasi oo aad rabto maanta in aad wax ka badasho?
Barbaar Wellness
Xaruun ka shaqaysa Caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada Soomaaliyeeed.
Connect
Barbaar
Barbaaryp@gmail.com
+252 905 893 406
© 2025. All rights reserved.
