hel qiimadhimis %40 ah maanta.

Sidee wax ku joogtayn kartaa sanadkaan cusub ee 2026

Wax joogtayntu waa wadada lagu gaaro guusha, hadana waa wax dadka badaan kood ku adag. Haddaba halkaan ka akriso farsamooyin kugu caawinaya in aad dhisto caado waxjoogtayn ah.

SELF-IMPROVEMENT

1/5/20262 min read

sidee wax lagu joogteeyaa?
sidee wax lagu joogteeyaa?

Waxaa bilowday sanad cusub. Waxa aad qoratay yoolal fara badan kuwaasi oo aad rabto in aad sanadkaan xaqiijiso. Waxa aad dareemaysaa karti iyo kalsooni aad kaga dhabayn karto ahdaaftaada, waayoo haddaba si fiican ayaad u raacdaa jadwalka. Wax joogtayntaadu waa heersare.

Hasayeeshee ma isiweydiisay Maalmo kadib waxa dhici kara! Waxaa aad dareemaysaa niyadjab, caajis farabadan iyo shaki ku aadan in aadan waxba qaban karin ama aysan muhiim ba ahayn howsha aad bilowday. Maxaa markaasi oo kale samaynasaa? Hadda waxa aad haystaa dhiirigalin farabadan oo aad ku shaqayso, balse ma sii jiraysaa taasi? Jawabta waa maya. Rabitaanka iyo ka go'naashiyaha (Will power) waa sidii shidaal dhamaanaya. Iyaga kuma sii wadi karaan ilaa dhamaadka sanadka, balse waxa ku wadi kara ayaa ah "Xakamaynta nafta "

Waa maxay xakamaynta nafta?

Xakamaynta nafta waa awood uu qofka ku maamulaya qaabka uu u fikirayo iyo waxa uu dareemayo si uu aga adkaado caqabadaha kaga gudboon yoolashiisa.

Caqabadaha gudaha ee qofka ka horistaaga guusha waxaa kamida:

  • Caajiska faraha badan

  • Walwalka joogtada ah

  • Jahwareerka

  • Kalsooni darada

  • Daalka maskaxeed

Haddii aadan maareyn dareenadaan, waxa aad la kulmaysaa niyadjab ku gaarsiisa in aad isdhiibto, kadibna aad howsha joojiso.

Xalka ugu habboon ee aad wax ku joogtayn karto

1. Ahmiyad gaarh ah sii caafimaadqabka maskaxda

Si aad u hesho dheelitir nololeed, daryeel caafimaadkaaga maskaxda. Seexo waqti fiican si aad u hesho nasasho. Sameey jimicis joogta ah. Biyo badan cab, sidoo kale Dheelitir cuntadaada.

Qodobadaan waxaa laga yaabaa in aad horey in badan u maqashay, balse waa aasaaska caafimaadka maskaxda.

2. Raac jadwalka kuu dhagan

Jadwalka waa in uu noqdaa nidaam la raaco maalin kasta. Isaga ayaa ku gaarsiinaya hadafyadaada fog. Haddii aad Hal maalin baajiso jadwalka, waxa aad gashay qalad, laakiin haddii aad labo maalin oo xiriir ah jabiso, ogoow waxa aad samaynaysaa caado cusub oo ah in aadan waxba qaban.

3. Qabo wax aad u yar

Si aad howl u joogtayso, waa in aysan maskaxdu dareemin daal farabadan. Marka aad rabto in aad akhriso buug, kaliya ka bilow in aad hal bog akhriso, waayoo waa wax fudud oo aan la dhibsanayn.

Isticmaal qaacidada ah (2 Minute rule) taasi oo ah in aad howl qabato kaliya labo daqiiqo. Haddii aad rabto in aad cashar badan akhriso, u sheeg maskaxdaada in aad kaliya laba daqiiqo akhrinayso casharka, kadib waxaa kuu fududandoonta in aad sii dhamaystirto casharka.

4. Haku mashquulin natiijada

Yoolka aad leedahay waa fog yahay. Waxaa uu noqon karaa mid 12 bilood u baahan ama ba ka yar, balse taas waa ay adag tahay in ay maskaxda sugto, sidaasi awgeyd waxa aad la kulmaysaa niyadjab. Haddaba haku mashquulin natiijada ee waxa aad xoogga saartaa shaqada.

Ha qorin buug ee waxa aad qortaa 200 oo sadar. Ha ridin 30 kg oo miisaan ah ee waxa aad gym ka tagtaa halsaac iyo bar maalin kasta.

5. Qaabeey hareerahaaga

Deegaanka aad ku nooshahay ayaa saamayn wey ku leh caadooyinka aad dhisayso. Haddii aad rabto in aad wax joogtayso, waa in aad isku hareeraysaa waxyaabaha kugu caawinaya joogtaynta.

Haddii aad rabto in aad miisaanka rido, haka agdhawaan jikada. Haddii aad rabto in aad wax akhriso, miiskaaga soo saar buugaagta. Ogoow rabitaanka oo kaliya kuguma filna ee waxa kugu hareeraysan ayaa go'aanadaada saamaynaya.

Ugu damabyn, ogoow waxa aad leedahay awood aad wax ku joogtayso, waana awood sidii muruqa oo kale ah. Marwaliba oo aad isticmaasho waa ay sii xoogaysanaysaa. Caadooyinka waxaa ay ku dhismaan si tartiib ah ilaa heer ay kamid noqdaan nolol maalmeedkaaga. Waxa hadda kugu adag ayaa maalin kuu fududan doona, adiga uun raac nidaamyadan kugu caawinaya.