Waa maxay Cabsida xad dhaafka ah ee loo yaqaan anxiety?

Anxiety gu waa marka uu qofka la noolyahaya walwal aanan la aqoon waxa uu salka ku haayo. Waxaa uu qofka ka cabsadaa cidlada, mugdiga, safarka, dabaasha, deegaanka, iyo dhacdooyinka kale ay dadku sida caadiga ah ula falgalaan.

ANXIETYCAAFIMAADKA MASKAXDA

Khalid Ibrahim

4/24/20242 min read

Waa maxay Cabsida xad dhaafka ah ee loo yaqaan anxiety?
Waa maxay Cabsida xad dhaafka ah ee loo yaqaan anxiety?

Cabsidu waa dareen dabiici ah oo qofkasta ku beeran, hasayeeshee waxaa jirta cabsi xad dhaaf ah oo qofka ku beeraysa xaalado walaac iyo walwal joogta ah. Anxiety waa nuuc kamida xanuunada nafsiga, waxaa uuna qofka ku beeraa walwal xad dhaaf ah oo aan la xakamayn karin, iyada oo aysan jirin qatar sax ah ama muuqata.

Anxiety gu waa marka uu qofka la noolyahaya walwal aanan la aqoon waxa uu salka ku haayo. Waxaa uu qofka ka cabsadaa cidlada, mugdiga, safarka, dabaasha, deegaanka, iyo dhacdooyinka kale ay dadku sida caadiga ah ula falgalaan.

Waxaa uu qofka ka baqaa falcelinada kaga imaan karta dadka, sida in lagu yaraahdo hadal xun, ama la soo gaarsiiyo waxyeelo kale. Waxaa uu ka baqaa eegmada dadka, Waxaa uuna dareemaa cabsi aad u daran marka uu doonayo in uu qofi la hadlo ama uu bulshada soo dhexgalo.

Waxaa uu sawirtaa xaalado walwal leh sida isaga oo ay wax xun ku dhacayaan, waxaana maskaxdiisu ku furma buuq iyo warwar joogto ah. Waxaa uu sidaasi kaga haraa howlo badan uu qabsan lahaa sida waxbarashada, shaqada iyo fursadaha kale; ama dhacdooyin gaar ah sida safarka, dalxiiska iyo wixii lamida.
Qofka ku sugan xaaladdaan waxaa uu la noolaadaa ka fikirka saadaalo xun oo ku dhici kara mustaqbalka iyo humaagyo aanan jirin.

Saamaynta ay leedahay anxiety ga

Walwalkan xad dhaafka ah waxaa uu qofka ku keenaa in uu lumiyo xasiloonida iyo xiriirka bulshada. Waxaa uu hoos u dhigaa kalsoonida iyo firfircoonida jirka, maadaama uu qofku waqti badan galinayo ka fikirka xaalado aanan jirin oo walwal ku haaya.

Wadno garaac fara badan, jarays iyo dhidid ayaa qofka ku furma, waxaa uuna mararka qaar dareemaa in ay ku xirmayaan naqaska iyo culays xagga dhaqaaqa ah.


Haddaba maxaa dawo u ah Anxiety ga?

Waxa farxadda leh ee aan kuu sheegayo waxaa ay tahay ; in xaaladahaan nafsiga laga dawoobi karo kol hadii uu qofka helo caawinaadda ugu habboon. Mid kamida farsamooyinka lagu daweeyoal ayaa ah Cognitive behavioral therapy, oo ah in lala kulanto mid kamida qubarada cilminafsiga, kaas oo la falgala dareemada iyo habdhaqanka qofka, qaab wadashakaysi ahna ku daweeya dadka.

Barbaar Wellness

Waxa aanu samaynaa cognitive therapy, innaga oo la falgalayna dareemada habfikirka iyo dabeecadaha qofka. Halkaan ayaad ka qabsan kartaa balanta dhakhtar cilminafsi oo xaaladdada si qoto leh u fahma, kuna siiya talooyin iyo hagid ( https://www.barbaar.org/dhakhtar-cilminafsi )